𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, TALAADO, 19 NOVEMBER 𝟮𝟬𝟮𝟰
Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyada xukuumadda Soomaaliya Mudane 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍 𝐌𝐀𝐂𝐀𝐋𝐈𝐍 Ayaa maanta maagaladda muqdisho ka daahfuray madasha ilaalinta Amniga internateka Soomaaliya oo socon doona mudo laba maalin ah oo ay soo qaban qaabisay hay’adda isgaarsiinta Qaran (NCA)
Madashan, oo diiradda lagu saari doono muhiimadda ay leedahay xoojinta amniga internet-ka iyo ka hortagga khataraha la xiriira isticmaalka tiknoolojiyadda casriga ah.
Waxaa kasoo qeyb galay khubaro, wakiillo ka socda dawladda, ururrada bulshada rayidka ah, iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay si ay uga doodaan xalalka lagu yareyn karo khataraha internet-ka iyo sidii loo abuuri lahaa jawi dhigitaal ah oo ammaan ah.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo teknolojiyada Soomaaliya mudane 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈 ayaa martida lagu casuumay madasha ku dhiiri galiyey in ay maskxdooda shiilan oo ay soo saaran hanaanka ugu haboon ee loo xoojin karo ilaalinta Amniga internateka Soomaaliya iyadoo wasiirku xusay guulihii laga gaaray wajigii hore ee madashan.
Waa sanadkii labaad ee madashaan iyadoo sanadkaan xooga lagu saari doono laguna soo bandhigi doono Xalalka waara ee Amniga interka Dalka ee qorshaha shanta sano ee soo socta
Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyada Soomaaliya ayaa xooga saareysa wadatashiyo iyo madalo lagu gorfeynayo Badqabka amniga internateka soomaaliya maadaama mararka qaar lala kulmo xadgudbiyo ka dhex dhaca gudaha internatka.
DHAMMAAD
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
𝐀𝐥𝐢 𝐎𝐦𝐚𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐚𝐥𝐥𝐚
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia




