𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈 𝐎𝐎 𝐊𝐀 𝐐𝐀𝐘𝐁 𝐆𝐀𝐋𝐀𝐘 𝐒𝐇𝐈𝐑𝐖𝐄𝐘𝐍𝐀𝐇𝐀 𝐈𝐒𝐊𝐀𝐀𝐒𝐇𝐈𝐆𝐀 𝐃𝐈𝐉𝐈𝐓𝐀𝐀𝐋𝐊𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐇𝐎𝐑𝐔𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝟐𝟎𝟐𝟓.

𝐂𝐔𝐌𝐌𝐀𝐀𝐍, 𝐔𝐑𝐃𝐔𝐍 – 𝟐4 𝐅𝐄𝐁𝐑𝐀𝐀𝐘𝐎 𝟐𝟎𝟐𝟓
Wasiirka wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya, Mudane Xildhibaane 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍 𝐌𝐀𝐂𝐀𝐋𝐋𝐈𝐍 (𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈) ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Iskaashiga Dijitaalka iyo Horumarinta 2025, oo maanta ka furmay magaalada Cammaan ee Urdun. Shirka waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Guddiga Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Qaramada Midoobay (ESCWA) iyo Jaamacadda Carabta, iyada oo ay kaashanayaan Wasaaradda Dhaqaalaha Dijitaalka iyo Horumarinta ee Urdun.
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirrada Isgaarsiinta ee dalalka Carabta ayaa diiradda lagu saaray dib u eegista ajendaha dijitaalka ah ee Carabta 2023-2033, iyadoo laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka teknolojiyadda, is-weydaarsiga aqoonta, iyo dadaallada lagu horumarinayo dijitaleynta gobolka.
Intii uu socday shirka, Wasiirka Isgaarsiinta iyo teknolojiyadda ee Soomaaliya 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈 ayaa ka hadlay doorka ay Soomaaliya ka qaadanayso horumarinta dhijitaalka, isagoo iftiimiyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso kaabeyaasha isgaarsiinta casriga ah, la dhiirrigeliyo hal-abuurka teknolojiyadda, iyo in la sameeyo xeerar fududeynaya koboca dhaqaalaha dijitaalka ah.
Wasiir 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈 ayaa sidoo kale la yeeshay kulammo gaar ah dhiggiisa wadamada kale, si loo xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee lagu horumarinayo adeegyada isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda ee Soomaaliya.
Shirkan ayaa fursad muhiim ah u ah dalalka Carabta si ay u xoojiyaan wada-shaqeynta dhinaca dijitaalka, loona xalliyo caqabadaha taagan, iyada oo la horumarinayo qorshayaal mustaqbalka fog ah oo ku aaddan horumarinta dhaqaalaha dijitaalka ah.
DHAMMAAD.
…………………
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdalla
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Email: media@moct.gov.so
Twitter: @MoctSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top