𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈 𝐎𝐎 𝐐𝐀𝐀𝐁𝐈𝐋𝐀𝐘 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐔𝐍𝐃𝐏.

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, ARBACO, 20 NOVEMBER 𝟮𝟬𝟮𝟰:
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada xukuumadda Soomaaliya Mudane
𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍 𝐌𝐀𝐂𝐀𝐋𝐈𝐍 (𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈) ayaa maanta wasaaradda kusoo dhaweeyey Wafdi uu hogaaminayey madaxa ugu sareeya hay’adda UNDP ee soomaliya Mr. Leonel Iyo xubno kale oo katirsan Xafiiska UNDP ee Soomaaliya.
Kulankaan dhex maray wasiirka isgaarsiinta iyo teknolojiyada Soomaliya iyo wafdiga ayaa diiradda lagu saaray xoojinta horumarinta iyo sara uqaadista Digital-ka dalka.
Inta uu socday kulanka ayaa wasiirka waxa uu warbixn ka dhageystay xubnaha UNDP ee xafiiska kusoo booqday iyagoo sharxaad dheer ka bixyey hanaanka hay’adda ay ugu diyaarsantahay in wasaaradda ay kala shaqeyso horumarinta Degital-ka iyo sida ugu dhaw ay iskula fal gali karaan.
Madaxa hay’adda UNDP ee soomaaliya mr.Leonel ayaa wasiirka kaga mahadceliyey sida diiran ee uu wasaaradda ugu soo dhaweeyey isagoo balan qaaday in UNDP xoooga saari doonto in wasaaradda ay kala shaqeyso sara uqaadista degitalka dalka maadaama ay wasaaradu ka shaqeyso Howlaha ugu muhiimsan ee dhanka Isgaaraiinta iyo teknolojiyada.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya mudane 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈 ayaa dadaal adag ugu jira sidii loo tayeyn lahaa teknolojiyada dalka loogana faa’ideysan lahaa khuburada ka gacansiin karta howlaha la xiriirta Degitalka iyo guud ahaan teknolojiyada.
DHAMMAAD
……………………
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
𝐀𝐥𝐢 𝐎𝐦𝐚𝐫 𝐀𝐛𝐝𝐚𝐥𝐥𝐚
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
EMAIL: media@moct.gov.so
Twitter: @MoctSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top