Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyada

Wasiirka Isgaarsiinta & Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa ka qeybgalay Shirka Wasiirada Isgaarsiinta oo hordhac u ah shirweynaha Ururka Midowga Isgaarsiinta Caalamiga

25 Sep

Wasiirka Isgaarsiinta & Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa ka qeybgalay Shirka Wasiirada Isgaarsiinta oo hordhac u ah shirweynaha Ururka Midowga Isgaarsiinta Caalamiga

Wasiirka Isgaarsiinta & Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa ka qeybgalay Shirka Wasiirada Isgaarsiinta oo hordhac u ah shirweynaha Ururka Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo sanadkaan ay marti galineyso Dowladda Romania. Shirkan waxa ka soo baxay heshiiska Bukharest oo ujeedadiisu tahay dhisidda mustaqbal teknoolojiyad ku dhisan oo ka wanaagsan maanta.
Wasiirka ayaa khudbad ka jeediyey Shirka Wasiirada waxa uuna sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku guuleesatay sameynta Sharciyo badan oo la xiriira Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda oo gogolxaar u ah qorshaha waddanka looga dhigayo mid dhaqaalahiisu teknoolojiyadda ku dhisan yahay.