Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo soo dhoweeyay hirgelinta isku-xirka shirkadaha Dalka.

(Muqdisho – Febarayo 12, 2023)…Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Md Jaamac Xasan Khaliif, ayaa soo dhoweeyay hirgelinta heshiiskii isku-xirka shabakadaha shirkadaha isgaarsiinta ee la saxiixay 5tii Diseembar 2022.
Wasiirku wuxuu intaasi ku daray in, dadweynuhu is wici karaan iyagoo haysta adeegyada shirkadaha kala duwan, ay tahay qodob sharci ah oo ciddii jebisaa lala tiigsan doono sharciga.
Wasiirka ayaa ugu danbeyntii ku ammaanay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka taabba-gelinta heshiiskan iyo fulinta siyaasadda Xukuumadda ee ku aaddan u-adeegista shacabka iyo dhiirrigelinta tartan ku dhisan adeeg hufan, taas oo ay Wasaaraddu wakiil uga tahay.
Shirkadaha isku furay isku-xirka shabakadaha waxaa ka mid ah Hormuud, Somtel, Amtel, SomLink, Golis iyo TeleSom.

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top