MOGADISHU, 14 JANUARY 2025
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda (XFS), Mudane Xildhibaan πππππππ πππππ πππππππ (ππππππππ), ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Dr. Abdikarim Mohadin Ahmed ,oo uu wehliyo Gudomiye Ku-xigeenka dhanka horumarinta Jaamacadda .
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyaga oo si wadajir ah uga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda iyo Jaamacadda SIMAD.
Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray :
– Dardargelinta howlaha muhiimka ah ee Jaamacadda SIMAD ay ka wado dhinacyada horumarinta aqoonta, cilmi-baarista, iyo kobcinta teknoolojiyadda dalka.
– In la dhiso iskaashi dhow oo lagu horumarinayo xirfadaha ardayda, gaar ahaan kuwa ku takhasusay teknoolojiyadda iyo isgaarsiinta.
– Kobcinta barnaamijyada tababarka ee wadajirka ah si loo abuuro mustaqbal ifaya oo ku dhisan aqoon iyo hal-abuur.
Wasiir ππππππππ ayaa boggaadiyay kaalinta muuqata ee Jaamacadda SIMAD ay ku leedahay kobcinta tacliinta sare ee dalka. Waxa uu ku ammaanay hoggaanka jaamacadda, gaar ahaan Guddoomiyaha, in ay si hagar laβaan ah ugu taagan yihiin horumarinta waxbarashada iyo diyaarinta arday tayo leh oo gacan ka geysan kara dib-u-dhiska iyo horumarka Soomaaliya.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Dr. Abdikarim Moallim Mohamud, ayaa uga mahadceliyay Wasiirka soo dhaweynta diirran iyo wada-shaqeynta ay jaamacaddu la leedahay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda. Waxa uu xusay in SIMAD ay ka goβan tahay inay sii ballaariso dadaallada lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha teknoolojiyadda ee dalka, iyada oo la adeegsanayo barnaamijyo casri ah oo waafaqsan baahiyaha bulshada.
Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ay xoogga saaraysa sidii loo dhiirrigelin lahaa, loona xoojin lahaa xarumaha soo saara cilmi-baarisyada la xiriira teknoolojiyadda, si loo helo hal-abuur iyo aqoon casri ah oo ku saleysan baahiyaha dalka, laguna gaaro heer caalami oo la jaanqaada horumarka teknoolojiyadda adduunka.
DHAMMAAD
………………….
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:@MoctSomalia




