Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada waa hay’adda dawladeed ee ugu sarreysa ee u xilsaaran sidii loo dajin lahaa siyaasadaha iyo sharciyada qaran ee la xiriira arrimaha Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada.
Waajibaadka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada waxaa ugu waaweyn:
- In la dajiyo, lana kormeero
- In la horumariyo kaaba-yaasha isgaarsiinta iyo teknolojiyada ee dalka
- In la ilaaliyo danaha dadweynaha adeegsada isgaarsiinta iyo teknolojiyada
- In la abuuro dhaqaale ku saleysan aqoon, lana abuuro bulsho wacyi sarreysa.
Si ay gudato waajibaadkeeda, waxaa Wasaaradda hagaya Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo sharciyada kale ee la xiriira Wasaaradda.