Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyada

Agaasimaha guud ee cusub ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda oo xilka la wareegay

01 Oct

Agaasimaha guud ee cusub ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda oo xilka la wareegay

Munaasabad xil-wareejin ah ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ee Dowlada Federalka Soomaaliya, waxaana xilalka kula kala wareegay Agaasimihii hore ee Wasaarada Prof. Cabdiraxmaan Macalin Caddow (Foodcadde) iyo Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq.

Munaasabadda Xil-wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada Eng Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowladda Wasaaradda Mudane Cabdullaahi Bile Nuur, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Cusmaan Maxamed Cabdi (Daalo), Xildhibaanno ka socday labada aqal ee Baarlamaanka, Agaasime Waaxeedyada, Shaqaalaha Wasaaradda iyo Mas’uuliyiin kale oo lagu casuumay xafladda xil-wareejinta.

Ugu horreyn waxaa hadlay agaasimihii hore ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada Prof. Cabdiraxmaan Macalin Caddow (Foodcadde) oo sheegay muddadii uu xilka haayay in Wasaaradda ay gaartay guulo waaweyn oo ay ka mid tahay ansixinta Xeerka Isgaarsiinta, Dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, soo celinta Xiriirka Hey’adaha Caalamiga sida Hey’adda Isgaarsiinta Caalamka (ITU), dib u howlgalinta Machadka Isgaarsiinta Qaranka, dib-u-hagaajinta Xarunta Boostada Soomaaliya, soo wareejinta Astaanka Internetka ee .dotSO, isagoo ugu dambeyntii la dardaarmay Agaasimaha Cusub in uu ku shaqeeyo si caddaalad iyo hufnaan ah.

Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq ayaa ka mahadceliyey sida wacan ee xilka loogu wareejiyey, waxa uuna sheegay in uu diyaar u u yahay in uu ku shaqeeyo dadaal ku saleysan aqoon xirfad leh, kuna shaqeyn doono caddaalad iyo sinnaan, waxa uu shaqaalaha ka codsaday in ay la shaqeeyaan si loo gaaro hormarka iyo himilada la hiigsanaayo.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda, Mudane C/laahi Bile Nuur ayaa sheegay in agaasimaha cusub looga fadhiyo inuu Wasaaradda gaarsiiyo heer ka sarreeya midka haatan ay joogto.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada Eng Cabdi Cashuur Xasan oo ugu danbeyn soo xiray munaasabadda xil-wareejinta ayaa bogaadiyay sida wacan ee loo soo agaasimay xafladda, waxa uuna soo dhaweeyey agaaasimaha cusub ee wasaaradda, isaga oo u rajeeyey in uu isbeddel muuqdo gaarsiin doono Wasaaradda, una mahad celiyey Agaasimihii hore ee Wasaarada Prof. Cabdiraxmaan Macalin Caddow (Foodcadde).