𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝟮𝟮 𝗝𝘂𝘂𝗻, 𝟮𝟬𝟮𝟰:– Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada XFS Md. 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗰𝗮𝘀𝗶𝗶𝘀 𝗗𝘂𝘄𝗮𝗻𝗲 𝗜𝘀𝗮𝗮𝗾 ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ka Daahfuray Tababar ku saabsan sameynta iyo naqshadeynta Website-yada, waxaana loo qabtay qaar ka mid ah Shaqaalaha 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗦𝗵𝗮𝗾𝗮𝗱𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗔𝗿𝗿𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗕𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮.
Waxaa daahfurka Tababarka kasoo qeybgalay ku simaha Agaasimaha Guud ahna Agaasimaha Maamulka Maaliyadda ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cabdikariin Cumar Cabdiraxman iyo ku siamha Agaasimaha Waaxda Warbahinta & Xiriirka Dadweynaha Mustafa Ismaaciil Maxamed.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Md. 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗰𝗮𝘀𝗶𝗶𝘀 𝗗𝘂𝘄𝗮𝗻𝗲 𝗜𝘀𝗮𝗮𝗾 ayaa soo dhaweeyey Shaqaalaha loo furay Tababarka, waxa uuna sheegay in Wasaaradda Isgaarsiinta ay qorsheeneyso in dhammaan Wasaaradaha iyo Hey’adaha Dowladda la siiyo Tababarkaan si loo ilaaliyo ammaanka Xogta website-yada.
Tababarkaan waxa uu ka anfacayaa shaqaalaha Wasaaradda in ay maamuli karaan nooc walbo oo website ah oo ay leedahay Wasaaradda, waxaana u jeedka yahay in la soo saaro shaqaale xirfad u leh sameynta iyo horumarinta website yada qeybihiisa kala duwan.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Abdirahman Mohamed Ali “Diini”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia




