Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyada

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo gaarsiiyey Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Taakuleyn ay wasaaraddu kaga qeyb-qaadanayso gurmadka qaraxyadii Soobe 2.

08 Nov

(Muqdisho – November 8, 2022) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Mudane. Cabdicasiis Duwane Isaaq ayaa ku wareejiyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macalim Cabdule Taakuleynta ay ugu talagaleen gurmadka dadkii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay masiibadii Qaraxyadii Soobe 2.
Agaasimaha ayaa sheegay in ay ka xunyihiin dhibaatooyinka ay argagixisadu u geysanayso Shacabka Soomaaliyeed …”waxaan soo gaarsiinay Xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, gurmad Taakuleyn aan ugu talagalnay ka Wasaarad ahaan in aan ku caawino Walaalaha Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay qaraxyadii Zoobe 2, waxaan Allaah ugu rajeenayaa in uu siiyo Caafimaad taam ah inta dhimatayna geeyo Janatul Firdowsa”
Ugu danbeyn Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Mocalim Cabdule oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Maareynta musiibooyinka Mudane Cabdirisaq Axmed Cali ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Isgaarsiinta & Taknoolajiyada kaalinta ay ka qaadatay Gurmadka Qaran