Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyada

AQALKA SARE OO ANSIXIYAY XEERKA ISGAARSIINTA QARANKA

21 Aug

AQALKA SARE OO ANSIXIYAY XEERKA ISGAARSIINTA QARANKA

(Muqdisho, August 21, 2017)- Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Xeerka Isgaarsiinta Qaranka oo ay hore u soo ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya 9-kii bishan Agoosto.

Sharcigan ayaa waxaa oggolaaday 39 oo ka mid ah 40kii mudane ee fadhiga soo xaadirtay ka dib markii ay ka doodayeen tan iyo Sabtigii la soo dhaafay. Ansixinta sharcigan ayaa noqoneysa kii ugu horreeyay ee uu ansixiyo Aqalka Sare tan iyo markii la sameeyay dhammaadkii sanadkii hore.

Sharcigan waxaa loo gudbinayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda si uu u saxiixo.

Mudane Cabdi Cashuur Xasan, wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, ayaa sheegay in sharcigan uu muhiim u yahay dalka. “Waa sharci ay in mudda ahba sugayeen dhammaan inta daneysa arrimaha isgaarsiinta,” ayuu yiri.

“Maanta waa maalin kale oo taariikhi ah, waana tallaabo loo qaaday in sharci iyo kala-dambeyn loo sameeyo isgaarsiinta dalka, sababtoo ah sharcigan waa kii ugu da’da weynaa ee hor yaallay baarlamaannadii dalka soo maray muddo ka badan 10 sano,” ayuu raaciyay.

Hoggaanka cusub ee Wasaaradda ayaa ansixinta sharcigan ka dhigtay mid ka mid ah waxyaabaha mudnaanta koowaad u leh, iyagoo dajiyay dajiyay qorshe cusub oo lagu guuleystay, kaasoo ay ka qeybgaleen dhammaan dhinacyada uu sharcigan khuseeyay.

Sharcigan ayaa ka caawinaya dawladda sidii ay u hagi lahayd isgaarsiinta dalka, u kordhin lahayd dakhliga ay dawladdu ka hesho isgaarsiinta, loogana qeyb qaadan lahaa amniga. Wuxuu sidoo kale sare u qaadayaa xuquuqda macaamiishu ay ku leeyihiin shirkadaha iyo maal-gashiga ay heli karaan shirkadaha ka shaqeeya isgaarsiinta iyo internet-ka.

DHAMMAAD