(BERN – Switzerland – May 10, 2023)…..Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada…….

Mudane Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye, Ayaa la kulmay Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU), Masahiko Metoki, waxayna kawada hadleen habka loo maaraynayo deyn waqti dheer qaadatay oo lagu leeyahay Soomaaliya iyo dib-u-hawlgalinta adeega Boostada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa xoogga saaray sidii hawshan loo dhameynlahaa……”Safarka aan halkaan ku joogno waa in la dhameeyaa deynta Soomaaliya lagu leeyahay, guul ayaa laga gaaray in Xubinimada Ururka Boostada adduunka aan soo ceshano, waxaa dhiman farsamooyin kooban oo dhawaan la dhamaystiri doono.”……ayuu yiri Wasiir-Dowlaha.
Sidoo kale, Wasiiru-dowlaha ayaa la kulamay Agaasinka u qaabilsan Ururka Boostada adduunka wadamada carabta oo ay wehliyaan Agaasimaha maamulka Maaliyada iyo Shaqaalaha, waxaana la isla qaatay in la xoojiyo xiriirka labada dhinac.
Dhanka kale, kulanka waxaa looga hadlay sidii ay UPU-da kaalin ugu qaadan lahayd dib u soo
noolaynta Boostada Soomaaliya, maadaama Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta Boosto casri ah oo la Jaanqaadi karta isbadalka Teknolojiyada.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia
Facebook:
@MoCTSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top