Booqashada Xarunta Shirkadda Huawei.

๐—•๐—ฒ๐—ถ๐—ท๐—ถ๐—ป๐—ด, ๐—๐—ถ๐—บ๐—ฐ๐—ฎ, ๐Ÿฌ๐Ÿณ ๐—ฆ๐—ฒ๐—ฏ๐˜๐—ฒ๐—ฒ๐—บ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฟ ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฐ:โ€”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane. Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xarunta dhexe ee Shirkadda ganacsiga Huawei ee dalka Shiinaha, waxaana ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Md. ๐—ซ๐—ถ๐—น๐—ฑ๐—ต๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป ๐—–๐—ฎ๐—น๐—ถ (๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ) oo qeyb ka ah Safarka Madaxweynaha.
Sidoo kale Booqashadan waxaa ku wehliyay Madaxweynaha, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, Wasiiru dowlaha Madaxtoyada Mudane Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari), Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane
, Agaasimaha guud ee Madaxtoyada Mudane Cabdixakiim Maxamed Yuusuf iyo Mas’uuliyiin kale.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, ๐—ซ๐—ถ๐—น๐—ฑ๐—ต๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ ayaa madaxda Shirkadda Huawei la wadaagay fursadaha Maalgashi ee waqtigan ka jira dalkeenna, gaar ahaan horumarka Soomaaliya ka sameysay dhinaca Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, waxa uuna Shirkadda ku booriyey in ay xarun ka furtaan Soomaaliya, iyadoona shirkadaheena isgaarsiinta isticmaalaan Qalabka shirkadda Huawei.
Madaxweynaha oo hadal ka jeediyey booqashadiisa ayaa ku dhiirigaliyay masโ€™uuliyinta shirkadda Huawei sidii ay qayb uga noqon lahaayeen Maalgashiga Soomaaliya, maadaama la meermariyey Sharciga Maalgashiga Dalka.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—บ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—น๐—ถ “๐——๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ถ”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top