Wararka Wasaaradda

Wasaaradda Boostada oo soo bandhigtay waxqabadkii 2017-18 iyo qorshaha 2019-20 (Wargeyska CASRI)

(Muqdisho – 4ta Maajo, 2019) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada (WBIT) ayaa soo bandhigtay waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradda labadii sano ee la soo dhaafay iyo qorshaha labada sano ee soo socoto si dadweynaha Soomaaliyeed ula socdaan heerka ay marayaan hawlaha Wasaaradda. Warsidaha Casri oo ah lix-biloodle ay soo saarto WBIT ayaa tirsigiisii ugu dambeeyay lagu …

Wasaaradda Boostada oo soo bandhigtay waxqabadkii 2017-18 iyo qorshaha 2019-20 (Wargeyska CASRI) Read More »

Wasaaradda Boostada oo dib ula wareegtay Xaruntii dhexe ee telefonnada, una asteysay adeegyo muhiim ah

(Muqdisho, Abriil 29, 2019) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa dib ula wareegtay xaruntii talefoonnada casriga ah ee dalka ee ku taallay degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir. Xaruntan oo uu qalabeeyay dalka Japan aakhirkii 1980-yadii waxay ku burburtay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Guddoomiyaha degmada Warta Nabadda Marwo Zaynab Maxamuud Warsame, oo mataleysay …

Wasaaradda Boostada oo dib ula wareegtay Xaruntii dhexe ee telefonnada, una asteysay adeegyo muhiim ah Read More »

Qabyo-qoraalka Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo la soo bandhigay

(Muqdisho – Abriil 18, 2019) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa soo bandhigtay qabyo-qoraalka Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknoojiyada (National ICT Policy and Strategy), taas oo loogu talo galay inay hagto sida teknolojiyada loogu adeegsan karo horumarinta dhaqaalaha dalka. Wasiirrada Ganacsiga iyo Caafimaadka ee heer federal, Md. Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo Marwo Fawsiyo …

Qabyo-qoraalka Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo la soo bandhigay Read More »

SHIRKA WADA-TASHIGA WASAARADAHA BOOSTADA, ISGAARSIINTA & TIKNOLOJIYADDA EE FEDERAALKA & DOWLAD-GOBOLEEDYADA

16-17 APRIL 2019 MUQDISHO – SOMALIA WAR-MURTIYEED Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo gaba-gaboobey Kulanka Wadatashiga Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee heer federal iyo Wasaaraddaha Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowlad-goboleedyada, kaasoo ka socday magaalada Muqdisho intii u dhexeysay 16ka illaa 18ka Abriil 2019ka. Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) …

SHIRKA WADA-TASHIGA WASAARADAHA BOOSTADA, ISGAARSIINTA & TIKNOLOJIYADDA EE FEDERAALKA & DOWLAD-GOBOLEEDYADA Read More »

Shirka wada-tashiga wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta federaalka iyo dawlad-goboleedyada oo furmay

(Muqdisho, Abriil 16, 2019) Shirka wada-tashiga wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta ee federaalka iyo dawlad-goboleedyada ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada, Md. C/casiis Duwane Isaaq, oo soo dhoweeyay ka-soo-qeybgalayaasha ayaa sheegay in shirkan oo ah kii 3aad ee ay isugu yimaadaan wasaaradahan looga hadli doono ajandayaal ay ka mid yihiin waxqabadkii …

Shirka wada-tashiga wasaaradaha boostada iyo isgaarsiinta federaalka iyo dawlad-goboleedyada oo furmay Read More »

Soomaaliya oo heshiis taageero farsamo la saxiixatay UPU

(Bern, Switzerland – Abril 12, 2019) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa heshiis kaalmo farsamo la saxiixatay Ururka Boostada Adduunka (UPU), kaas oo dalkeena looga caawin doono qaabka ugu habboon ee dib loogu soo nooleyn karo adeegga boostada. Heshiiskaas oo ay labada dhinac u kala saxiixeen Wasiirka Boostada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan iyo Agaasimaha …

Soomaaliya oo heshiis taageero farsamo la saxiixatay UPU Read More »

Soomaaliya oo dib u soo ceshatay xubinnimadii UPU, lagana qaaday xayiraaddii muddo 30 sano ka dib

(Bern, Switzerland – Abriil 11, 2019) Soomaaliya ayaa dib u soo ceshatay xubinnimada buuxda ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyada oo la inaga qaaday xannibaad inaga saarneyd dhinaca boostada. Munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta Dhexe ee UPU ee dalka Switzerland, ayna goobjoog ka ahaayeen Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda, Md. C/laahi Bile Nuur iyo Masuuliyiinta UPU ayaa …

Soomaaliya oo dib u soo ceshatay xubinnimadii UPU, lagana qaaday xayiraaddii muddo 30 sano ka dib Read More »

Soomaaliya oo weydiisatay UPU in laga qaado xayiraadda

(Bern, Switzerland – Abriil 10, 2019) Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Md. Eng Cabdi Cashuur Xasan ayaa ka codsaday Midowga Boostada Adduunka (UPU) in ay Soomaaliya ka qaadaan xayiraadda saaran sanadaha badan si dalkeenu uga faa’iideysto horumarka adduunku ka gaaray isgaarsiinta boostada. Wasiirka oo ka hadlayay shirka Guddiga Maamulka ee UPU ayaa sheegay in adeegyada …

Soomaaliya oo weydiisatay UPU in laga qaado xayiraadda Read More »

ITU OO TABABARKII UGU HORREEYAY KU QABATAY SOOMAALIYA 30 SANO KA DIB

(Muqdisho, Maarso 19, 2019) Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa marti-gelisay tababar ku saabsan Barnaamij lagu maamulayo hirarka oo loogu talo-galay dalalka soo koraya (Spectrum Management System for Developing Countries – SMS4DC), kaasi oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU), laguna qabtay magaalada Muqdisho intuu u dhexeysay 14-kii illaa 18kii Maarso 2019. Axmed Boraud …

ITU OO TABABARKII UGU HORREEYAY KU QABATAY SOOMAALIYA 30 SANO KA DIB Read More »

MADAXDA WASAARADDA BOOSTADA OO LA KULMAY AGAASIMAHA GUUD EE MIDOWGA BOOSTADA ADDUUNKA

(Maarso 11, 2019) Wasiirka iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU), Danjire Bishaar C/raxmaan Xuseen, iyagoo ka wada hadlay qorshaha dib loogu soo nooleynayo boostadii dalka iyo sida labada dhinac ay dib ugu soo celin lahaayeen xiriirka Wasaaradda iyo UPU. Wasiiru-dawlaha Mudane C/laahi Bile …

MADAXDA WASAARADDA BOOSTADA OO LA KULMAY AGAASIMAHA GUUD EE MIDOWGA BOOSTADA ADDUUNKA Read More »

Scroll to Top