DAAH-FURKA QORSHAHA QARAN EE ISGAARSIINTA XAALADAHA DEGDEGGA AH.

(Muqdisho, 13-14, November, 2023) …….Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS Md Jaamac Xasan Khaliif ayaa si rasmi ah u Daah-furay Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Degdega ah iyo Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Digniinaha Isgaarsiinta Xaaladaha Degdega ah, waxaana soo xiray Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Md Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye.
Daah-furka iyo Aqoon-isweydaarsi waxaa ka soo qeybgalay hay’ado muhiim ah oo ay ka mid yihiin Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA), Shirkadaha Isgaarsiinta, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Hoggaannada Isgaarsiinta ee Xoogga Dalka iyo Booliska, Hay’adda Tayodhowrka Soomaaliyeed iyo Ururrada Bulshada Rayidka, waxaana soo qabanqaabisay Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka oo kaa shaneyso Ururka Isgaarsiinta aduunka ITU.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Md. Jaamac Xasan Khaliif, ayaa uga mahadceliyey Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) taageerada la taaban karo ee ay ka geysteen horumarinta Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah. Waxa uu iftiimiyay doorka qorshaha ee kor u qaadista isuduwidda qaybaha kala duwan iyo hagaajinta guud ahaan u diyaargarowga musiibada iyo awoodaha wax ka qabashada.
Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga wuxuu ujeedkiisu yahay inuu abuuro qaab isgaarsiineed oo aan kala go’lahayn kaasoo u oggolaanaya macluumaadka in si dhaqso leh oo waxtar leh loo faafiyo inta lagu jiro xaaladaha degdegga ah.
Qorshaha Digniinaha Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah waxay hubisaa in daneeyayaasha ay khusayso ay awoodaan inay u wada shaqeeyaan si aan kala go’lahayn, iyagoo gacan ka geysanaya in si isku-xiran oo waxtar leh uga jawaabaan musiibada.
Dawladda Soomaaliya waxay rajaynaysaa in ay si guul leh u hirgeliso Qorshahaan waxayna filaysaa in ay saamayn togan ku yeelato kor u qaadida awooda dalka ee u adkeysiga xaaladaha degdega ah.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia
Facebook:
@MoCTSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top