๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐ฎ๐ฎ ๐๐๐๐ป, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฐ:– Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ ๐๐ฎ๐ฏ๐ฑ๐ถ ๐๐ฎ๐ฟ๐ฟ๐ฒ, ayaa maanta dhagax dhigay dhismooyinka cusub oo ay yeelan doonaan Hayโadaha Isgaarsiinta Qaranka iyo Hey’adda Dhowrista Xogta oo ka mid ah Hey’adaha hoosyimaado Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada.
Xafladda dhagax dhigga waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐น๐ถ๐ป ๐๐ฎ๐น๐ถ (๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ) oo ay Wehliyaan Maareeyaha Hey’addaha Isgaaraiinta Qaranka Md. Mustafa Yaasin Shiikh iyo Maareeyaha Hey’adda Dhowrista Xogta Md. Maxamed Axmed Cali ( Maxamed Royal).
Raโiisul Wasaaraha oo ka hadlay dhagax dhiga ayaa sheegay in dhismayaashani ay qeyb ka yihiin dadaallada Xukuumadda DanQaran ay ugu jirto dib-u-dhiska xarumaha dowladda, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan adeeg hufan.
Xarumahan oo dhamaantood lagu dhisayo isku-tashi dadwayne, ayaa qayb ka ah qorshaha Xukuumadda DanQaran ee dib-u-dhiska xarumaha dowladda, kuwaas oo laga dhisayo waddada Jayga ee u dhow Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Abdirahman Mohamed Ali “Diini”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia




