Doorashada guddi Goob-shaqo ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada.

(Muqdisho – May 7, 2023)……Waxaa maanta xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, lagu qabtay Doorashada Guddi Goob-shaqo oo muhiim u ah hanaanka shaqada iyo shaqaalaha hey’adaha dowladda, waxaana isku soo taagay 17 Musharax, iyadoona si rasmi ah ku guuleestay 7 xubnood.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa Bogaadiyey hanaanka ay u dhacday Doorashadaan, waxa uuna sheegay in ay muhiimtahay shaqada guddigaan.
Doorashadaan waxaa goobjoog ka ahaa guddi hoosaadka kormeerka, anshaxa & Abaalmarinta ee guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya, waxa ayna bogaadiyeen sida ay u dhacday.
Ugu dambeyn Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye ayaa la dardaarmay guddiga la doortay in shaqada u qabtaan si daacad ah.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia
Facebook:
@MoCTSomalia
All reactions:

20

2
3
Like

 

Comment
Share

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top