Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo qayb ka ah tiirka dib u xoraynta iyo Sugidda Amniga ee Barnaamija Xukuumadda Dan-Qaran ayaa ku guuleysatay in ay xirto hawadana ka saarto shabakado, cinwaanno baro bulsho oo ay argagixisadu isticmaali jirtey. Wasaaradda oo Mas’uul ka ah isgaarsiinta iyo teknolojiyada ayaa dadaal badan ku bixisay sidii loo joojin lahaa afkaarta xagjirka ee lagu faafiyo aaladaha danabaysan ee Internetka, waxaana illaa iyo hadda la xiray in ku dhow 500 oo baraha bulshada ku lahaayeen sida Facebook, Twitter, Telegram, waxaana sidoo kale la xiray illaa 10 shabakado (websites) magacyo kala duwan leh.
Doorka Wasaaradda ee Dib u xoraynta, burburinta Shabaab iyo Sugidda Amniga

Share
Facebook
Twitter
LinkedIn