Golaha Aqalka Sare:- Ansixinta Hindise Sharciyeeedka Dhawrista Xogta

(Muqdisho – Maarso 15, 2023)….Golaha Aqalka Sare ee BJFS ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeeedka Dhawrista Xogta (Data Protection Law) oo ka mid ah Sharciyada muhiimka u ah dalka, waxaana wadar ogol ku meelmariyay 30 Senator oo kulanka soo xaadiray.
Wasiir-Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye oo goobjoog ka ahaa ansixintaan ayaa khudbad mahadcelin ah u jeediyey Senatorada Aqalka Sare sida aqlabiyada ah ee ay u meelmariyeen Hindise Sharciyeeedka Dhawrista Xogta.
“Sharcigaan waa sharci muhiim u ah Dalka, waxa uu ka mid yahay todobada Sharci ee deyn cafinta, waa Sharci sugaayo in xogta dadweynaha laga aruuriyo si hufan loo adeegsado oo aan lagu takrifalin. Sidoo kale sharcigaan waxa uu muhiim u yahay dhaqaalaha danabeysan ee dhijitaalka ku shaqeeyo iyo in uu dalkeena qeyb ka noqdo Suuqyada ama Iskaashiga Goblka iyo Caalamka” ayuu yiri Mudane Axmed Diiriye.
Hindise Sharciyeeedka Dhawrista Xogta (Data Protection Law) waxa uu nidaamin doonaa ururinta iyo adeegsiga xogta dadweynaha Somaaliyeed. Sidoo kale wuxuu hagi doona dhammaan hay’adaha dowladda ee haya xogta gaarka ah, shirkadaha iyo xarumaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha samafalka, kuwaas oo aruurinayey 30 kii sano ee u dambeysay xogta dalka diidayna iney ku wareejiyaan dowladda iyagoo sabab uga dhigay inuusan dalku lahayn sharci dhowraya xogta.

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top