Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS oo ansixiyey Hindise Sharciyeeedka Dhawrista Xogta.

(Muqdisho – Maarso 8, 2023)…Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyey Hindise Sharciyeeedka Dhawrista Xogta (Data Protection Law) oo ka mid ah Sharciyada muhiimka u ah dalka, waaxana ogolaatay ansixinta sharcigaas 143 Xildhibaan.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa ugu horeyn u mahadceliyay Xildhibanaada Golaha Shacabka Ansixinta Hindise Sharciyeeedka dhawrista Xogta oo Wasaaradda waqti badan ku bixisay sidii loo heli lahaa Sharcigaan……”Sharcigani waxa uu fududeenayaa In si amaan ah loogu wareejin karo Xafiisyada Dawladda ee ay khusayso, xogta gaarka ah ee ku saabsan muwaadiniinta iyo dadka degen Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Urrurada caalamiga kuwa haya xogta, si loogu adeegsado bixinta adeegyada dawliga ah” ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Hindise Sharciyeedka Dhawrista Xogta (Data Protection Law) wuxuu dheelitir u yahay uruurinta xogta shaqsiga ah si adeeg loogu fidiyo bulshada, iyo in xogta shaqsiga ah aan loo adeegsan hanaan aan sharciga waafaqsanayn oo dhibaato u gaysan karta qofka xogta laga qaaday.

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top