(Muqdisho, 13, November, 2023) …….Golaha Wasiirrada ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ‘Xeer-nidaamiyaha Xaqiiqjinta Macaamilaadka Maaliyadeed iyo Hubinta Tayada Isgaarsiinta,’ kaas oo ay soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Mudane Jaamac Xasan Khaliif, oo Golaha Wasiirrada u faahfaahiyay ayaa sheegay in xeer-nidaamiyahan ahmiyad weyn u leeyahay dalka, wax weyna ku soo kordhin doona sidii dowladdu canshuuraha ku waajibay uga heli lahayd shirkadaha isgaarsiinta.
Xeer-nidaamiyahan ayaa looga gol leeyahay in la dhiso nidaamyo lagu korjoogteynaayo arrimaha la xiriira tayada adeegyada isgaarsiinta, la-socodka macaamilaadka shirkadaha isgaarsiinta, iyo xaqiijinta u-hoggaansanaanta shuruucuda isgaarsiinta iyo maaliyadda.
Xeer-nidaamiyahan ayaa u sahlaya hay’adaha dowladeed inay helaan xog sugan oo ku saabsan dhaqdhaqaayada maaliyadeed ee shirkadaha isgaarsiinta si ay u sahlanaato in dowladdu ka hesho canshuuraha ku waajibay shirkadaha isgaarsiinta.
Ansixinta xeer-nidaamiyahan ee Golaha Wasiirrada ayaa muujineysa ahmiyadda ay Dowladdu siineyso howlaha lagu horumarinayo isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia
Facebook:
@MoCTSomalia




