Shirka isbuuclaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), oo uu guddoomiyey Raβiisul Wasaaraha (JFS) Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta lagu ansixiyey Siyaasadda Dhijitaalka ah ee loo dhanyahay iyo Istaraatiijiyadda Dowladnimada Danabaysan.
Siyaasaddan cusub iyo istiraatiijiyadda danabaysan ayaa qayb ka noqon doonta qorshaha siyaasadeed ee guud ee xukuumadda ee lagu casriyeynayo hayβadaha dowladda, sarana loogu qaadayo tayada adeegyada dadweynaha, sidoo kale lagu horumarinayo kaabayaasha dhijitaalka ah ee dalka.
Istiraatiijiyadda Dowladnimada Danabaysan ee 2025-2029 ayaa si gaar ah xoogga u saaraysa:
– Casriyeynta adeegyada hayβadaha dowladda.
– Kobcinta xirfadaha dhijitaalka ah ee bulshada.
– Dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta casriga ah.
– Xoojinta jawaabta baahiyaha bulshada si adeegyada loo gaarsiiyo si hufan.
Xukuumaddu waxay ku hanweyntahay in hirgelinta istiraatiijiyaddan ay horseedi doonto dowladnimo hufan oo ku shaqeysa tiknoolajiyad casri ah, taasoo sare u qaadaysa tayada adeegyada la siiyo dadweynaha.
Wasiirka wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, JFS Mudane ππ’π₯ππ‘π’ππππ§ πππ±ππ¦ππ πππππ§ ππ¨π¨π¦πππ₯π’ ayaa golaha uga mahadceliyey ansixinta siyaasadda dhijitaalka ah iyo istaariijiyadda dowladnimadda ee danebysan.
DHAMMAAD
β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦β¦..
Wixii faafaahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter: @MoctSomalia




