Guusha deyn cafinta Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyo Dhiirigalinta howl-wadeennada Waaxda Boostada.

𝗠𝘂𝗾𝗱𝗶𝘀𝗵𝗼, 𝗝𝘂𝘂𝗻 𝟬𝟴, 𝟮𝟬𝟮𝟰 – Xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada waxaa maanta lagu qabtay Xafladda soo dhaweynta Guusha deyn cafinta Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyo Dhiirigalinta howl-wadeennada Waaxda Boostada, waxaana ka soo qeybgalay Wasiirka Isgaarsiinta Xildhibaan Maxamed Soomaali, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Maareeyaha Hey’adda Seybarka, Maareeyey ku-xigeenka Hey’adda Dhowrista Xogta, iyo howl-wadeennada Waaxda Boostada.
Agaasimaha Waaxda Boostada Mudane Siciid Axmed Xasan (Saciid Qaal) oo ka hadlay Xafladda guusha ayaa sheegay in ay dadaal ku bixyeen in la soo gaaro halkaan, waxaana u Mahadceliyey Hoggaanka Wasaaradda oo guushaan laf dhabar u ahaa.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq ayaa sheegay in deyn cafintaan ay tahay guul muhiim ah oo la gaaray, lana si wadi doono horumarinta Boostada Soomaaliya.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye oo ka hadlay Xafladda Guusha deyn cafinta ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeyo loogudbi doono sidii loo tayen lahaa adeegga boostada Soomaaliya si shacabka ay ugu faa’iideystaan howlaha muhiim ah ee ugu xiran Boostada.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyada XFS 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) oo ugu danbeyn xafladda soo xiray xafladda ayaa sheegay in dadaal badan lagu bixiyey dhameyntirka deyn cafinta xilligaana wixii ka danbeeyey loo gudbi doono howlaha kale ee derista Boostada….”Xafladdaan muhiimadda ugu weyn ee loo qabtay waxa ay tahay in la dhiirigaliyo Howlwadeenada waaxda Boostada Wasaaradda, shaqadii ay soo qabteen waxa ay ku muteesteen in la siiyo Shahaado Sharaf, waana waajib in loo mahadceliyey waax walbo oo la timaado shaqo wanaag iyo guul tan oo kale”…..ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomaali.
Wasaaradda Isgaarsiinta ayaa dadaal badan ku bixineyso hirgalinta Adeega Qaran ee Ciwaanada Boostada, (National Post Addressee) waxa uuna fududeen doonaa Ganacsiga iyo adeegyo badan oo bulshada u baahanyihiin.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Abdirahman Mohamed Ali “Diini”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top