Iyadoo waajibaadka wasaaradda ay ka mid tahay in la xafido hantida wasaaradda ayaa diiradda la saaray in la tirakoobo, lana kormeero dhammaan hantida magguuraanka ah ee wasaaradda. Wasiirka Isgaarsiinta ayaa soo booqday inta badan xarumaha iyo hantida magguuraanka ah ee wasaaradda, inta kalena waxaa loo diray guddi soo qiimeeya xaaladaha ay ku sugan yihiin. Waxaana goobahaas ka mid ah: Shentaraalladii Boostada ee Shabeelle iyo Km4, Xarumihii boostada ee Wadajir, Warta Nabadda, Machadka, iyo Hoosadii gaadiidka ee C/casiis.