HINDISE SHARCIYEEDKA SHARCIGA AMNIGA SAAYBARKA SOOMAALIYA

(Muqdisho, 9, November, 2023) …….Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey hindise Sharciyedka Amniga Saaybarka Soomaaliya oo aay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaaraiinta iyo Teknoolojiyadda.
Ugu horeyn Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS Md. Jaamac Xasan Khaliif ayaa u Mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo Golaha Wasiirrada sida ay u meel mariyeen hindise Sharciyedkaan…..”Sharcigani wuxuu khuseeyaa hawlaha Amniga Saaybarka iyo kaabeyaashaa muhiimka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana mid ka mid ah Sharciyada muhiimka ee wasaaraddu soo diyaarisay”….ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Ujeedada loo sameeyey Sharacigaan waa bixinta habraacyo looga hortagayo, laguna maareynayo, isla markaana looga fal-celinayo shilalka Amniga Saaybarka, iyadoo la hubinaayo in hawl-wadeennada kaabayaasha muhiimka ah ay hirgeliyaan tallaabooyin iyo wadashaqayn ku aaddan arrimaha Amniga Saaybarka, waana Sare-u-qaadidda horumarinta iyo wacyi-gelinta Amniga Saaybarka.
Sidoo kale Wasaaradda waxa ay gacanta ku heesaa Sharciyo kale oo muhiim u ah kaabayaasha dhaqaalaha Dalka.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter:
@MoctSomalia
Facebook:
@MoCTSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top