Wassaraddu waxa ay ka qayb qaadanaysa horumarka dalka ka socda kaalinta kaga aaddan sida in ay keento adeegyo iyo nidaam loo isticmaalayo teknoloyida casriga ah, adeegyadaas oo gaari kara dhammaan qeybaha kala duwan maamulka dawliga ah, ganacsiga gaarka ah, waxbarashada, caafimaadka, shirkadaha isgaarsiinta iyo horumarinta kabayaasha dhaqaalaha dalka.
Waxay Wasaaraddu ka shaqeyneysaa in la xaqiijiyo in teknoolojiyadu udub-dhexaad u noqoto horumarka uu dalkeenu higsanaayo, waxaana Wasaaraddu sameyneysaa siyaasadihii iyo jawigii arrimahaasi fududeyn lahaa.
Si ay u fuliso qorshayaasheeda horumarinta dhaqaalaha, Wasaaraddu waxay qeyb ka tahay:
- Tubta Dhaqaalaha oo ku mideysan yihiin 13 wasaaradood iyo Bankiga Dhexe
- Bahda Kaabayaasha dhaqaalaha (Infrastructure)