Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada waxa ay mas’uul ka tahay kor-joogtayta shaqada wasaradda u taalla ee ay u xilsaaran yihiin hay’adaha Wasaaradda hoos yimaada, sida Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyo hay’adaha kale ee dhismi doona. Wasaaraddu waxay hubineysaa:
- In la fuliyay siyaasadaha iyo sharciyada ay dajisay
- Wax-ka-beddelka siyaasadaha la dajiyay haddii loo baahdo
- Qaadista tallaabada ciddii jebisa siyaasadaha la dajiyay