Kulanka Guddiga Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka.

(Muqdisho – Febarayo 20, 2023)…Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif oo ay wehliyaan Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Mudane Axmed Cismaan Diiriye, Wasiir ku-xigeenka Mudane Xuseen Axmed Culusoow ayaa maanta hortagay Guddiga Warfaafinta, Wacyi gelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka waxaa shir guddoomiyey guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji (Jeego) oo soo dhaweyn ka dib sheegay in ay muhiim tahay xoojinta wada shaqeynta iyo iska warqabka guddiga iyo Wasaaradda.
Wasiir Jaamac Xasan Khaliif, ayaa guddiga usoo bandhigay qorshe howleedka Wasaaradda, Sharciyada iyo xeerarka hortebinta u leh, isagoo guddiga ugu mahad celiyay wada shaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa.
Xubnaha guddiga ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo la xiriira Shaqada Wasaaradda iyo howlaha mudnaanta u leh Guddiga, waxa uuna jawaabo ka siiyey arrimihii wax laga weydiyey ee ku saabsanaa shaqada Wasaaradda iyo heshiisyadii ay galeen.

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top