๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐๐ฟ๐ฏ๐ฎ๐ฐ๐ผ , ๐ฌ๐ต ๐ข๐ธ๐๐ผ๐ผ๐ฏ๐ฎ๐ฟ ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฐ:โXarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS ayaa maanta lagu qabtay xuska Maalinta ๐๐ผ๐ผ๐๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ Adduunka 9-ka Oktoobar oo ku beegan Sanad guuradii 150-aad ee Aasaaska Ururka Boostada Adduunka, kuna aadan 65 sano guurada markii Soomaaliya ay xubin buuxdo ka noqotay Ururkaas.
Munaasabadda Xuska waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐น๐ถ๐ป ๐๐ฎ๐น๐ถ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Md. Cabdicasiis Duwane Isaaq, Agaasimaha Waaxda Boostada Soomaaliya Siciid Axmed Xasan (Saciid Qaal) iyo howlwadeenada Boostada.
Wasiirka Isgaarsiinta ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐
๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ oo ka hadlay xuska Maalinta Boostada ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in sanadka danbe ay toos Dibadda ugu dirsankaraan waxyaabaha ay rabaan. inkastoo ay sii kordheyso adeegsiga Teknolojiyada adduunka oo dhan, haddana in weli aan laga maarmin kaalinta boostada maadaama ay yihiin adeegyo dhamaystiraya hawlaha ay Boostadu u hayso dadweynaha.
๐ ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ๐ป๐๐ฎ ๐๐ผ๐ผ๐๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฑ๐ฑ๐๐๐ป๐ธ๐ฎ waxaa looga dhawaaqay Shirweynihii Midowga Boostada Adduunka ee lagu qabtay magaalada Tokyo ee dalka Japan. Ujeeddada laga leeyahay xuska maalintan ayaa ah sidii loo kordhin lahaa wacyi-gelinta dadweynaha ee kaalinta ay boostadu ku leeyahay horumarka dhaqan-dhaqaale ee dal kasta.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
๐๐ฏ๐ฑ๐ถ๐ฟ๐ฎ๐ต๐บ๐ฎ๐ป ๐ ๐ผ๐ต๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐น๐ถ “๐๐ถ๐ถ๐ป๐ถ”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia