Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada waxay ka mid tahay wasaaradaha ka shaqeeya horumarinta dhaqaalaha ee ku baheysan Tubta Dhaqaalaha. Waxay Wasaaraddu si gaar ah u qaabilsan inay horumarinta dhaqaalaha kaga qeyb qaadato iyadoo loo marayo 4 tiir oo ay Wasaaraddu ka shaqeneyso. Waxaa afartaas ka mid ah:
4. Adeegga Xukuumad Danabeedka (eGovernment)
Dunidu maanta hawl kasta waxaa udub dhexaad u ah adeegsiga teknolojiyada, taas oo fududeysay hawlo badan oo la qaban jiray. Qorshaha Wasaaraddu wuxuu yahay in hawlaha dawladdu ay bixiso loo adeegsado teknolojiyada, si adeegyada loogu fududeeyo dadweynaha, loona kordhiyo dakhliga dawladda.
Wuxuu adeeggan xiriirin doonaa hawlaha kala duwan ee ay wadaan wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee Dawladda si loogu sameeyo qaabkii ay u wada shaqeyn lahaayeen, iskuna weydaarsan lahaayeen aqoonta, waayo-aragnimada, xogta, qalabka iyo xiriirrada kala duwan.