Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada waxay ka mid tahay wasaaradaha ka shaqeeya horumarinta dhaqaalaha ee ku baheysan Tubta Dhaqaalaha. Waxay Wasaaraddu si gaar ah u qaabilsan inay horumarinta dhaqaalaha kaga qeyb qaadato iyadoo loo marayo 4 tiir oo ay Wasaaraddu ka shaqeneyso. Waxaa afartaas ka mid ah:
3. Dhismaha Machadka Isgaarsiinta Qaranka
Machadka Isgaarsiinta Qaranku wuxuu ahaa xarunta aqooneed ee ay ka soo baxaan kaadiriintii maamuli jirtay isgaarsiinta iyo boostada dalka oo ay dawladdu gacanta ku haysay. Dhismihii Machadka ayaa ku burburay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.
Hase yeeshee, waxaa lagu guuleystay in la qalabeeyo xarun KMG ah oo lagu sii shaqeeyo inta laga dhisayo dhismihii hore ee Machadka.
Hase yeeshee, qorshaha rasmiga ee ay Wasaaraddu higsaneyso waa in dib loo dhisaa dhismihii hore ee Machadka si uu u noqdo xarun aqooneed dhammeystiran oo shaqaalaha dawladda iyo shacabkuba ka faa’iideysan karaan culuumta isgaarsiinta iyo teknolojiyada (ICT).
Haddaba, si loo gaaro hadafkaas waxaa la dajiyay qorshe waqtiyeysan oo lagu soo nooleynayo dhismihii hore ee Machadka, iyadoo lagu tashanayo awooddeena dhaqaale.