Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyada

Kicinta Boostada

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada waxay ka mid tahay wasaaradaha ka shaqeeya horumarinta dhaqaalaha ee ku baheysan Tubta Dhaqaalaha. Waxay Wasaaraddu si gaar ah u qaabilsan inay horumarinta dhaqaalaha kaga qeyb qaadato iyadoo loo marayo 4 tiir oo ay Wasaaraddu ka shaqeneyso. Waxaa afartaas ka mid ah:

 

2. Soo-nooleynta adeeggii Boostada

Adeeggii Boostadu wuxuu ka mid yahay waxyaabaha ku burburay dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Sanadkii 2013-kii ayaa lagu guuleystay in Boostadu ay iman karto dalka, hase yeeshee waxaa xannibaad naga saaran tahay sidii boostadu ay wax u diri lahayd, boostadana waxa ugu muhiimsan waa inaad wax diri karto si loo dhiirrigeliyo waxyaabaha dalka lagu sameeyo oo dalka dhaqaale loo soo geliyo.

Haddaba waxaa socda qorshe lagu xallinayo caqabadaha hortaagan soo-nooleynta adeegga boostada, oo ay ka mid yihiin in xal loo helo deyntaas oo aan la bixin illaa 1983-dii, caqabadaha gaadiidka, xafiisyada, iyo agabka ay boostadu ku shaqeyso. Marka caqabadahaasi wax laga qabto, waxay Boostadu awoodi doontaa:

  • Inay si sahlan dalka dibeddiisa wax ugu diri karto
  • In wixii  dalka loo soo diro la gaarsiin karo dadweynaha iyo xafiisyada
  • In dadweynaha, ganacsatada, waxbarashada iyo cid kastaba la baro qiimaha ay boostadu u leedahay dalka.