Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyada

Siyaasadda ICT

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada waxay ka mid tahay wasaaradaha ka shaqeeya horumarinta dhaqaalaha ee ku baheysan Tubta Dhaqaalaha. Waxay Wasaaraddu si gaar ah u qaabilsan inay horumarinta dhaqaalaha kaga qeyb qaadato iyadoo loo marayo 4 tiir oo ay Wasaaraddu ka shaqeneyso. Waxaa afartaas ka mid ah:

 

  1. Dajinta Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Isgaarsiinta & Teknolojiyada (ICT Policy & Strategy) 

Dajinta siyaasadda iyo istaraatiijiyada fog ee isgaarsiinta iyo teknolojiyadu (ICT) waxay ka mid tahay waxyaabaha horumarin kara teknolojiyada dalka, maadaama ay hagi doonto dhammaan hawlaha kala duwan ee ay sameynayaan dawladda, shirkadaha ganacsiga, bahda waxbarashada iyo hay’adahaba.

Haddaba si loo dajiyo qorshahaas, Wasaaraddu waxay arrintaan kala shaqeyneysaa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo taageero dhinaca farsamada ah ka geysanaya sidii dalkeena loogu dajin lahaa qorshe ballaaran oo uu dalku yeesho markii ugu horreysay.