(Muqdisho, Maarso 26, 2023) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daahfuray hirgelinta adeegga Isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta, kaas oo dhowaan ay hirgeliyeen shirkadaha dalka.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay isku-xirka shirkadaha isgaarsiinta dalka in laga faa’iidaayo tartan ganacsi oo xalaal ah, tallaabadanina ay tahay xuquuq muwaadin iyo fursad cusub oo u abuurmeysa suuqa isgaarsiinta dalka.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif oo xafladda ka hadlaay ayaa ku sifeeyay hirgelinta adeeggan in ay tahay guul Soomaaliyeed…”Dadaal dheer kaddib waxaa inoo suuragalay inaannu ku guuleysanno hirgelinta adeegga Isku-xirka, guushaan waa mid aannu wada leennahay, waa guul Soomaaliyeed, waa guul qaran” ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Adeegga Isku-xirka oo ay ka qeyb galayaan dhammaan shirkadaha haysta rukhsadda isgaarsiinta ee kala ah: Hormuud, SomTel, Golis, Telesom, Amtel, iyo SomLink, waxaa loogu talogalay inuu daboolo baahida dadweynuhu u qabaan inay isla xiriiri karaan iyagoo isticmaalaya shabakado kala duwan.
Isku-dayga ah in la isku xiro shirkadaha dalka waxaa la sameeyay laba mar oo hore oo kala ahaa sannadihii 2000 iyo 2014, hase yeeshee heshiisyadaasi way burbureen wax yar kadib maadaama aysan jirin shuruuc iyo hay’ado hirgeliya.