
RA’IISUL WASAARAHA OO FURAY SHIWEYNAHA QARAN EE WADA-TASHIGA ISGAARSIINTA IYO TEKNOLOJIYADA
(Muqdisho, 06 May 2017) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa maanta furay Shirweynaha Qaran ee Wada-tashiga Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, kaasoo ka soconaya magaalada Muqdisho inta u dhexeysa 6da illaa 8da bishan.
Waxaa shirweynahan ka qeyb galaya illaa 60 xubnood oo ka kala socda Guddiga Baarlamaanka ee Isgaarsiinta, wasiirrada isgaarsiinta ee dawlad-goboleedyada, shirkadaha isgaarsiinta iyo internet-ka, iyo ururrada jaamacadaha, kuwaasoo ka
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in ujeeddooyinka shirka ay yihiin sidii loo dhisi lahaa kalsoonida dhinacyada iyo sidii bog cusub loogu furi lahaa xiriirka Wasaaradda iyo dhinacyada ay khuseyso, isla markaana looga wada shaqeyn lahaa wadaagista xogta iyo qorshayaasha.
“Inagoo ka duuleyna aragtida Xukuumadda, waxaan dooneynaa inaan jid cusub u jeexno hawlaha Wasaaradda si waxqabadka loo kordhiyo, loona tayeeyo. Arrintaasna waxay ka billaabataa in la dhiso kalsoonida, wax kasta oo ku xigana way fududaanayaan,” ayuu yiri wasiirka.
Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlayay munaasabadda ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadd ay isgaarsiinta iyo teknolojiyadu u leeyihiin horumarka iyo dhaqaalaha dalka.
“Isgaarsiinta iyo teknolojiyadu waxay udub-dhexaad u yihiin dhaqaale kasta. Waxaan ku adkeynayaa inaad ka wada hadashaan waxyaabaha mudnaanta koowaad idin leh, adinkoo xoogga saaraya sidii aad u xoojin lahaydeen xiriirka dhexdiina ah iyo kan aad la leedihiin dowladda, gaar ahaan Wasaaradda si aad gacan uga geysataan horumarka dhaqaale ee dalka,” ayuu hadalkii ku soo gabagabeeyay Ra’iisul wasaaraha.
DHAMMAAD