11
Aug

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta si rasmi ah xilka u kala wareejiyey masuuliyiintii hore ee Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada iyo Madaxda Cusub .
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta si rasmi ah xilka u kala wareejiyey masuuliyiintii hore ee Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada iyo Madaxda Cusub .
(Muqdisho – Agoosto 11, 2022) Munaasabadda xil-wareejintaan ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Wasaaradda waxaana si rasmi ah xilka ula wareegay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq ayaa ugu horeen ka hadlay Munaasabdda waxa uuna soo dhaweeyey dhammaan martida iyo Mas’uuliyiinta cusub ee loo soo magacaabay Wasaaradda.
Wasiiru Doowlihii hore ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Cabdullaahi Bile Nuur ayaa xilka ku wareejiyey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda “Sharaf weyn ayee ii tahay in aan soo hogaamiyo muddo Shan sano ah Wasaaraddaan, waxaa hirgalinay barnaamijyo badan oo kaalin weyn ka qaatay horumarinta Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, maanta waxaa Wasiirka ku wareejinay Xogta oo qoraal ah waxaana rajeenayaa in uu halkaas ka sii wado” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Bile.
Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif oo ka hadlay Munaasabdda xil-wareejinta ayaa u mahadceliyey madaxdii soo hogaamisay Wasaaradda “Maanta waxaa halkaan u joognaa in aan la wareego xilka Wasaaradda, wee mahadsanyihiin dhammaan Mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda hooshii ay qabteen, shaqooyinka hortabinta inoo leh waxa ay noqon doonaan in aan ka sii dhaqaajiyo halka ay hadda Wasaaradda joogto” ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jaamac oo xilka ukala wareejiyey masuuliyiintii Wasaaradda ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda ay macmo weyn u leedahay Wasaaraddaan.
Munaasabddaan xil-wareejintaan waxaa goob joog ka ahaa Mudane Xuseen Axmed Culusoow, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada iyo Mudan Axmed Cismaan Diiriye. Wasiiru Doowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Lataliyaasha Wasaaradda, Agaasime Waaxeedyada, Shaqaalaha iyo Mas’uuliyiin ka socday Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka waxa ayna xil-wareejintaan ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan.