Warmurtiyeed ๐ ๐๐พ๐ฑ๐ถ๐๐ต๐ผ, ๐๐ฟ๐ฏ๐ฎ๐ฐ๐ผ, ๐ญ๐ด ๐ฆ๐ฒ๐ฝ๐๐ฒ๐บ๐ฏer, ๐ฎ๐ฌ๐ฎ๐ฐ:โ Waxaa Magaalada Muqdisho ku soo gebageboobey Shirka 6-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee XFS iyo Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Benaadir oo socdey 17-ka illaa 18-ka September, 2024.
Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee DFS ayaa waxaa si rasmi ah u furay, soona xiray Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ujeedada shirkaani waxay ahayd in wasaaradaha isku shaqada ah ee heer federal iyo dowladaha xubnaha ka ah DFS ay yeeshaan wadashaqayn iyo is-afgarad, waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS, Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali), Wasiiru-dowlaha Wasaaradda, Xildhibaan Axmed Diiriye, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, Xildhibaan Xuseen Axmed Culusow, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Galmudug, Mudane Muxyadiin Sheekh C/llaahi Cismaan (Sunni), Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Jubaland, Mudane Mascuud Cabdullaahi Axmed, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Koonfur Galbeed, Mudane C/llaahi Shiikh Daahir, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee HirShabeelle, Mudane Maxamuud Sheekh Cali Salaad, Agaasimaha Guud ee WI&T Mudane Cabdi’asiis Duwane Isaaq, Agaasimaha Waaxda Teknoolajiyadda iyo Isgaarsiinta ee Gobolka Benaadir Eng. Yusuf Alasow, Lataliyeyaasha WI&T, Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaha Isgaarsiinta ee heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah DFS, lataliyeyaal iyo hawlwadeenno kale.
Falanqayn iyo dood ka dib, waxaa Shirka 6-aad ee Wadatashiga laga soo saaray qodobadan hoos ku xusan:
1. Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS uga mahadceliyeen Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) kulankan wadatashiga ah, waxayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulammada nuucan oo kale ah.
2. Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS ku bogaadiyeen Dadaalka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WI&T) ee qabsoomidda Shirka Ereybixinta Teknolojiyada Af Soomaaliga oo lagu hormarinaayo erayada iyo fahamka Teknolojiyada, iyadoo afkeena hooyo la adeegsanayo.
3. Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS iyo Wasaaradaha xubnaha ka ah in ay yeeshaan wadashaqeyn joogto ah, lana dardargaliyo dhammaan howlaha hor-yaalla.
4. In Mashaariicda iyo dhammaan horumarka la hiigsanaayo laga wada shaqeeyo sida Mashruuca (EA-RDIP) oo maraya meel wanaagsan.
5. Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS waxaa ay isku raaceen in la daadejiyo, lagana wada shaqeeyo shuruucda, Siyaasadaha Iyo Istiraatijiyadaha la xidhiidha isgaarsiinta iyo tiknolojiyada.
6. Waxay wasaaradaha dowladaha xubnaha ka ah DFS soo dhaweenayaa hormarka laga gaadhay dadaalada ku aadan dayn-cafinta iyo dib u nooleynta boostada dalka.
7. Waxa la isla gartay in ay haboon tahay in la is waafajiyo magacyada heer federal iyo heer dawlad goboleed ee Wasaaradaha Isgaarsiinta.
Gebogebadii, shirka waxa uu ku soo dhamaaday guul iyo is-afgarad.
See Translation