Shirka Ereybixinta Teknolojiyada af soomaaliga.

๐— ๐˜‚๐—พ๐—ฑ๐—ถ๐˜€๐—ต๐—ผ, ๐—ง๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐—ฎ๐—ฑ๐—ผ, ๐Ÿญ๐Ÿณ ๐—ฆ๐—ฒ๐—ฝ๐˜๐—ฒ๐—บ๐—ฏ, ๐Ÿฎ๐Ÿฌ๐Ÿฎ๐Ÿฐ:โ€” Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS ayaa Magaalada Muqadisho ku qabtay ๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—˜๐—ฟ๐—ฒ๐˜†๐—ฏ๐—ถ๐˜…๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ง๐—ฒ๐—ธ๐—ป๐—ผ๐—น๐—ผ๐—ท๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—”๐—ณ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ด๐—ฎ, waxaana Daahfuray Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac.
Shirka oo looga hadlay sidii uu afka Soomaaligu ula jaanqaadi lahaa isbeddelka Teknolojiyada, loona heli lahaa erey bixin ku habboon oo loo adeegsado, ayaa waxaa ka soo qeyb galay, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Wasiirada Isgaarsiinta ee Dowlad Goboleedyada Dalka, Agaasinka Teknoolojiyada ee Gobolka Benaadir,
Guddiga Isgaarsiinta Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka, Shirkadaha Isgaarsiinta, aqoonyahanno iyo khubaro ku xeel-dheer afka iyo Aqoonta Teknolojiyada.
Guddoomiyaha Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) Professor Abdalla Mansuur iyo Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo ka hadlay Shirka ayaa Wasaaradda ku bogaadiyey Shirkaan, in Eraybixin loo helo Teknolojiyada waa mid aad loo sugaayey.
๐—ซ๐—ถ๐—น๐—ฑ๐—ต๐—ถ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ฎ๐˜…๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ฎ๐—ฐ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ป ๐—–๐—ฎ๐—น๐—ถ (๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ) Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo Shirka khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraaday in horumar weyn laga sameeyey dhinacyada kala duwan ee Teknolojiyada, haddana erayo cusub oo ku saabsan ma aysan ku soo kordhin afka Soomaaliga…….”Ujeedada Shirkaan aan u qabanay waxay tahay in aan si qoto dheer uga wada hadalno sidii aan u horumarin lahayn erayada iyo fahamka Teknolojiyada iyadoo afkeena hooyo loo adeegsanayo, maadaama Wasaaraddu ay diyaarisay Shuruuc iyo Siyaasado kala duwan, baahina loo qabo in la raadiyo Erayada ku haboon Teknoolojiyada Casriga ah”…….ayuu yiri Wasiir Maxamed Soomaali.
Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka, Mudane ๐—ฆ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜… ๐—”๐˜…๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ฎ๐—ฐ, oo shirka hadal ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu xilligani u leeyahay dalka in la helo ereyo ku habboon isticmaalka Teknolojiyada, si loo ilaaliyo af Soomaaliga, loogana maarmo adeegsiga ereyo laga soo minguuriyey afaf kale oo qalaad.
๐—ฆ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—˜๐—ฟ๐—ฒ๐˜†๐—ฏ๐—ถ๐˜…๐—ถ๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ง๐—ฒ๐—ธ๐—ป๐—ผ๐—น๐—ผ๐—ท๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—”๐—ณ ๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐—ด๐—ฎ ayaa muddo labo maalmood ah ka socondoono Magaalada Muqadisho, waxaana ka soo bixi doono Erayo hordhac u ah Teknolojiyada oo la jaanqaadi kara Af Soomaaliga.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
๐—”๐—ฏ๐—ฑ๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—บ๐—ฎ๐—ป ๐— ๐—ผ๐—ต๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—”๐—น๐—ถ “๐——๐—ถ๐—ถ๐—ป๐—ถ”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia
See Translation

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top