Shirka fulinta qorshaha iyo halbeegyada Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada.

Shirka fulinta qorshaha iyo halbeegyada Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada.
(Muqdisho – Janaayo 8, 2023) Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Cabdicasis Duwane Isaaq ayaa maanta shir guddoomiyey shirka fulinta qorshaha halbeegyadii ay Wasaaraddu la saxiixatay Ra’iisalwasaare Mudane Hamza Abdi Barre 13 bishii December 2022, waxaaana ka soo qeybgalay Agaasime waaxeedyada iyo Lataliyaasha Wasaaradda.
iyadoo la dardargalinaayo ballanqaadka qorshaha Wasaaradda ayaa shirka waxaa lagu soo bandhigay qorshe hawleedka ay soo diyaariyeen Agaasime waaxeedyada iyo hawlaha hortabinta u leh in la fuliyey iyada oo la raacayo halbeegyada u degsan Wasaaradda.
…”Waxaa noo suura gashey diyaarinta qorshaha iyo halbeegyada sanadka 2023 annagoo waafajinay qorshihii ay Wasaaraddu la saxiixatay Ra’isalwasaaraha, Shirarkaan waa mid muhiimad gaar ah u leh Wasaaradda, waxaana la qabanayaa bishiiba labo mar” ayuu yiri Agaasime Duwane.
Ugu danbeyn dhammaan hawlwadeenada ayaa lagu dardargaliyey in qof walba kaalinta uu ku leeyahay ka qaato, shaqo walbana la fuliyo waqtiga looga talagalay iyada oo la raacayo Qorshaha Xukuumadda Dan-Qaran.

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top