SHIRKA HORUMARINTA ISGAARSIINTA EE WADAMADA CARABTA OO KA FURMAY CAASIMADA MANAMA EE DALKA BAHRAIN.

(Bahrain, Manama, 6, November, 2023) …….Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Isgaarsiinta & Teknolojiyada XFS Md. Jaamac Xasan Khaliif, ayna xubno ka yihiin Maareeyaha guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Md. Mustafa Yaasiin Sheekh iyo lataliyaal, ayaa ka qeyb galaya shirka Horumarinta Isgaarsiinta ee wadamada Carabta ayna soo qabanqaabisey Ururka Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) oo ka furmay magaalada Manama ee caasimadda dalka Bahrain.
Shirkaan ayaa looga hadlayaa Horumarinta Digitaal-ka ee Waddamada carabta, muhiimadda ay leedahay helitaanka Teknoolojiyad loo simanyahay, ayaa Wasiirka Isgaaraiinta iyo Teknoolojiyadda Soomaaliya Md. Jaamac Xasan Khaliif waxa uu ka qeybgalay dood cilmiyeed looga hadlay arimahan.
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada, Md. Jaamac Xasan Khaliif ayaa sheegay……..“Dowladda Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay in la sameeyo Sharciyo muhiim ah, sida Sharciga Dhowrista Xogta, Sharciga Saaybarka, waxaa rabnaa inay ka tarjumaan heerarka ugu wanaagsan ee caalamiga ah, kuwaas oo u gogolxaaraya in Soomaaliya ay ku biirto caalamka ku habboon heshiisyada iyo ka qaybqaadashada dhaqdhaqaaqa ku wajahan is-dhexgalka suuqa dijitaalka ah ee gobolka”……ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Ugu danbey Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda iyo Maareeyaha guud ee Hey’adda Isgaaraiinta Qaranka ayaa shir la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Bahrain Md. Mohamed bin Thamer (Al Kaabi), waxaana laga wada hadlay iskaashiga Horumarinta Boostada, Isgaaraiinta iyo dhanka Digitaal-ka
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
Twitter:
@MoctSomalia
Facebook:
@MoCTSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top