17
Feb

Shirka toddobaadlaha ah ee Tubta Dhaqaalaha.
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa maanta martigelisay shirka toddobaadlaha ah ee Tubta Dhaqaalaha.
Waxaa kulankan lagu soo bandhigay heerka ay marayaan waxqabadka halbeegyada tubta, waxaana si gaar ah looga hadlay halbeegyada Wasaaraddeena guud ahaan iyo gaar ahaan guulihii laga gaaray soo-celinta astaanta internetka dalka SONIC – Somalia.
Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii ka shaqeysay qabanqaabada shirkan oo uu ugu horreeyo agaasimaha guud ee Wasaaradda.