Shirka Wadatashiga Habraaca Mideysan ee Xargaha Fiberka Badda.

(Muqdisho – Juun 1, 2023)……Waxaa Xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ka dhacay kulan looga hadlaayo Habraaca Mideysan ee Xargaha Fiberka Badda, waxaana ka soo qeybgalay Wasaaradda Bii’ada & Isbedelka Cimilada, Wasaaradda Amniga gudaha, Wasaaradda Dekadaha iyo Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka.
Habraaca mideysan wuxuu nidaaminayaa habka rukhsad qaadasha, fasaxyada iyo raacidda shuruucda kala duwan ee fiberka badda.
Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay saameynta Xargaha Fiberka Badda ku yeelankaro Arimaha Bii’ada & Isbedelka Cimilada, Amniga, iyo isku socodka maraakiibta oo mararka qaar keenta in xargaha ay jaraaan taas caqabad ku noqota ganacsiga Dalka.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Cabdicasiis Duwane Isaq ayaa ugu dambeyn u mahadceliyey mas’uuliyiinta ka soo qeybgashay kulanka, waxa uuna sheegay in la sii dardargalindoono kulamada wadatashiga.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia
Facebook:
@MoCTSomalia

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top