Shirka Wasaaradda iyo Shirkadaha Isgaarsiinta

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa xarunta wasaaradda waxa uu shir gaar ah kula yeeshay madaxda shirkadaha isgaarsiinta Dalka, waxaana looga wada hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeynta ee ka dhaxaya wasaaradda. iyo shirkadaha. Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa bogaadiyey shaqada ay shirkadaha isgaarsiinta u hayaan bulshada Soomalaaliyeed iyo sida ay hanti badan u geliyeen dalka iyaga oo qayb weyn ka ah kobaca dhaqaalaha dalka. Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta ayaa ka mahad celiyey kulanka gaarka ah ee ay la yeesheen Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, waxa ayna ballan qaadeen in ay si dhow u wada shaqeyn doonaan. Waxay wasiirka uga mahad celiyeen inuu maalmo gudahood markii uu xilka la wareegay uu shirkadaha la shiray, taasoo ay caddeeyeen inay tahay arrin horumar leh oo aan hore u dhici jirin.

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top