𝗡𝗮𝗶𝗿𝗼𝗯𝗶 – 𝗞𝗲𝗻𝘆𝗮, 𝗝𝘂𝘂𝗻 𝟭𝟬, 𝟮𝟬𝟮𝟰 – Wasiirka Isgaarsiinta 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa si wadair ah Magaalada Nairobi ugu furay Shirka Xoojinta Mashruuca iskuxirka dhijitaalka ee Bariga Afrika.
Ujeedka Shirkaan oo ah in gobolka Bariga Afrika yeesho xiriir iskaashi oo ku saabsan dhanka isku-xirka isgaarsiinta,horumarint ganacsiga, la-xaalidda masiibooyinka deegaanka iyo isdhexgalka dhaqaalaha.
Wasiirka Isgaarsiinta 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 ayaa sharxay yoolalka iyo Muhiimadda uu leeyahay Mashruucaan, Maadaama uu kaalin ka qaadan doonaa isdhexgalka xiriirka ganacsiga, xogta isku gudubka xuduudaha iyo Iskuxirka Internetka.
Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya 𝗞𝗿𝗶𝘀𝘁𝗶𝗻𝗮 𝗦𝘃𝗲𝗻𝘀𝘀𝗼𝗻 ayaa Bogaadisay heerka uu soo gaaray Mashruucaan marka loo eego Wadamada uu ka socdo, waxa ayna u Mahadcelisay Wasiirka Isgaarsiinta dadaalka uu ugu jiro ka miro dhalinta Mashruucaan.
Sidoo kale Shirkaan waxaa ka qeybgalay Maareeyaha Hey’adda Saybarka, Maareeye ku-xigeenka Hey’adda Isgaaraiinta Qaranka, Madaxa Mashruuca EA-RDIP iyo Mas’uuliyiin kale.
Wasaaradda Isgaarsiinta ayaa waxa ay wadaa dadaal looga faa’iideesanaayo baahinta internetka si kor loogu qaado Dhaqaalaha iyo Hormarka Dalka.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Abdirahman Mohamed Ali “Diini”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia




