Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS, Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa ka qeybgalay Shirweynaha Dejitaalka ee Dowladaha Afrika 2023 oo ka dhacay magaalada Lusaka ee wadanka Zambia.
Wasiirka Isgaarsiinta ayaa Shirka ka jeediyey hadal ku saabsan horrumarka ay Dowladda Soomaaliya ka gaadhay Dhanka Maayadda Danabaysan -dejitaalka, Isgaarsiinta iyo ICT-da oo muhiimad u leh la jaanqaadista Isbadalka Dunida Casriga ah.
Wasiirku Wuxuu Sheegay in “Dowladda Soomaaliya ay sameysay Sharciyo muhiim u ah Horumarintya Teknoolajiyadda Casriga ah sida Sharciga
– Dhowrista Xogta
– Dhismaha xarunta Xogta Qaranka
-Sharciga Cybarka
-Sharciga Denbiyada Cybarka
– Istaraatijiyadda Maayadda Danabaysan – E-Government
– Sharciga Macaamilka Danabaysan –E- Transaction Law
– Siyaasadda Horumarinta ICT – ICT Policy and Strategy
Wasiirku waxuu kaloo sharaxay in la daahfuray Mashruuca Isku-xirka Dijitaalka ee Bariga Afrika” Wasiirka ayaa ka waramay maalgashiga Soomaaliya ineey ufurantahay dhammaan daneeyayaasha caalamka, ineey soomaaliya tahay meel amni ah oo lamaal gashan karo.
Sidoo kale Shirka waxaa ka qeybgalay Safiirka Dowladda Soonaaliya u fadhiya Dalka Zambia Amba Xaawa Xasan Maxamed oo kaalin mug leh ka qaadatay soo dhaweynta Wefdiga dowladda, iyo ka qeeyb galka shirka inta uu socda, waxaana Wasiirka ugu Mahadceliyey sida ay u soo dhaweeyey Madaxda Safaaradda iyo hawlwadeenada intaba.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter: @MoctSomalia
Facebook:@MoCTSomalia