𝗟𝘂𝘀𝗮𝗸𝗮, 𝗭𝗮𝗺𝗯𝗶𝗮, 𝗞𝗵𝗮𝗺𝗶𝗶𝘀, 𝟬𝟯 𝗢𝗸𝘁𝗼𝗼𝗯𝗮𝗿 𝟮𝟬𝟮𝟰:— Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS, 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) ayaa ka qeybgalay Shirweynaha Dhijitaalka ee Dowladaha Afrika 2024 oo ka dhacay magaalada Lusaka ee wadanka Zambia, waxaana si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dalkaasi Hakainde Hichilema.
Intii uu aocday Shirka Wasiirka Isgaarsiinta ayaa ka qeybgalay Dood wadaag waxa uuna ka hadlay horrumarka ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay Dhanka dhijitaalka, Isgaarsiinta iyo ICT-da oo muhiimad u leh la jaanqaadista Isbadalka Dunida Casriga ah.
Wasiirka Isgaarsiinta 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sameysay Sharciyo muhiim u ah Horumarintya Teknoolajiyadda Casriga ah sida Sharciga
– Dhowrista Xogta
– Dhismaha xarunta Xogta Qaranka
-Sharciga Cybarka
-Sharciga Denbiyada Cybarka
– Istaraatijiyadda E-Government
– Sharciga Macaamilka Danabaysan ee –E- Transaction Law
– Siyaasadda Horumarinta ICT – ICT Policy and Strategy
Wasiirku waxuu kaloo sharaxay in la daahfuray Mashruuca Isku-xirka Dhijitaalka ee Bariga Afrika oo waxbadan ka badali doono kobaca Dhaqaalaha Dalka iyo isku xirka wadamada Bariga Afrika, islamarkaana Soomaaliya ay diyaar u tahay Maalgashi Caalami ah ee dhanka Dhijitaalka.
Ugu danbeyn Shirka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Safiirka Dowladda Soonaaliya u fadhiya Dalka Zambia Amba Xaawa Xasan Maxamed oo kaalin mug leh ka qaadatay soo dhaweynta Wefdiga dowladda, iyo ka qeeyb galka shirka inta uu socda, waxaana Wasiirka ugu Mahadceliyey sida ay u soo dhaweeyey Madaxda Safaaradda iyo hawlwadeenada intaba.
……………………..
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
𝗔𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝗵𝗺𝗮𝗻 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗹𝗶 “𝗗𝗶𝗶𝗻𝗶”
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada.
Muqdisho, Soomaaliya
media@moct.gov.so
Twitter:
@MoctSomalia




