Si loo helo goob ku habboon shaqada ay shaqaaluhuna si hufan ugu shaqayn karaan

Si loo helo goob ku habboon shaqada ay shaqaaluhuna si hufan ugu shaqayn karaan, iyadoo la dhawrayo bedqabkooda iyo agabkaba ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in qiimayn iyo u kuurgelid lagu sameeyo xaaladda dhismaha xarunta wasaaraddu ku sugan tahay. Meelaha kale ee diiradda la saaray waxaa ka mid ah amniga guud ee wasaaradda. Haddaba qalabayn tayo leh iyo dayactir ku haboon ayaa lagu sameeyey qaybo badan oo wasaaradda ka mid ah. Iyadoo si qoto dheer loo dayactiray xafiisyada wasiirrada, lateliyeyaasha iyo xoghaymaha oo xaalad liidata oo aan tayo wanaagsanayn ku sugnaa.

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top