Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyada

SOOMAALIYA OO DHISEYSA XARUNTII UGU HORREYSAY EE IS-WEYDAARSIGA INTERNET-KA (IXP)

16 May

SOOMAALIYA OO DHISEYSA XARUNTII UGU HORREYSAY EE IS-WEYDAARSIGA INTERNET-KA (IXP)

(Muqdisho, Maajo 16, 2018)- Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa billowday dhismaha Xarunta Is-weydaarsiga Internet-ka (Internet Exchange Point) ee magaalada Muqdisho (MogIX), taas oo fududeyn doonta in shirkadaha bixiya adeegyada internetka ay isku xirmaan, isla markaana isku weydaarsadaan xogtooda.

Nishal Goburdhan oo ah khabiir ku takhasusay dhismaha IXPs oo ka socda Hay’adda Packet Clearing House oo dalal badan ka caawisa dhismaha xarumahan oo kale, ayaa sheegay in xaruntan ay sare u qaadi doonto adeegyada kala duwan ee u baahan internet.

Wakiillo ka kala socda shirkadaha isgaarsiinta, internetka, dalladaha jaamacadaha, xirfadleyda teknoolojiyada, iyo dawladda, ayaa muujiyay in ay baahi weyn u qabaan inay ku soo biiraan MogIX. Muddada uu socdo aqoon-is-weydaarsigan waxay wakiilladu ka doodi doonaan qaabka ugu wanaagsan ee xaruntan loo maamuli karo, iyagoo ugu dambeynta sameyn doona guddi ku-meel-gaar ah oo maamula xaruntan.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoolojiyada, Mudane Eng. Cabdi Cashuur Xasan, oo furay aqoon-is-weydaarsigan ayaa in dhismaha MogIX uu ka mid ah yahay qorshayaasha ay Wasaaraddu ku dhiseyso kaabayaasha isgaarsiinta dalka, isla markaana uu wax weyn ku soo kordhin doono isgaarsiinta iyo teknoolojiyada dalka.

“Wasaaraddu way awoodday in qalabkan lagu rakibo dhismaha Wasaaradda oo maamulkeeda aan 100% hayno, shirkadahana aan u sheegno inay ku soo xirmaan. Laakiin waxaan dooneynaa inay noqoto adeeg la wada leeyahay oo yaalla meel dhexdhexaad ah oo la wada horumariyo. Wada-tashi iyo kalsooni ayaan ku xaqiijinay waxyaabihii noo qabsoomay 12kii bilood ee la soo dhaafay, taas ayaana sii wadeynaa,” ayuu yiri wasiirka oo intaasi ku daray in wasaaraddu soo dhoweyn doonto talooyinka ka soo baxa aqoon-is-weydaarsigan.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada ayaa bilooyinkii la soo dhaafay ku guuleysatay ansixinta sharciga isgaarsiinta, dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo la-soo-wareegidda astaanta qaranka (dotSO). Dhismaha xaruntana wuxuu hordhac u yahay dhismaha kaabayaasha isgaarsiinta dalka oo u furan shirkadaha oo dhan.