Soomaaliya oo hirgelisay maamulka tooska ah ee boostada caalamiga ah.

๐Œ๐”๐๐ƒ๐ˆ๐’๐‡๐Ž-๐€P๐‘๐ˆ๐ˆ๐‹ 23, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“
Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ๐Œ๐ฎ๐๐š๐ง๐ž ๐Œ๐€๐—๐€๐Œ๐„๐ƒ ๐€๐€๐ƒ๐€๐ ๐Œ๐€๐‚๐€๐‹๐‹๐ˆ๐ (๐’๐Ž๐Ž๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ), waxa uu hambalyeynayaa shacabka Soomaaliyeed, kaddib guushan taariikhiga ah 34 sano kadib ee uu dalku ka gaaray hirgelinta maamulka tooska ah ee boostada caalamiga ah.
Guushan lama huraanka u ah adeegga boostada, waxa ay ka dhigan tahay in Adeegga Boostada Qaranka Soomaaliyeed (SNPS) uu si rasmi ah ula wareegay maamulka is-weydaarsiga boostada caalamiga ah, iyadoo laga bilaabo 1-da May 2025 ay Soomaaliya si madax-bannaan u maamuli doonto boostada soo galeysa iyo tan baxeysa, iyada oo loo marayo xarunta cusub ee is-weydaarsiga ee Muqdisho.
Wasiir ๐Œ๐€๐—๐€๐Œ๐„๐ƒ ๐’๐Ž๐Ž๐Œ๐€๐€๐‹๐ˆ ayaa xusay in guushaan soo hoyatay laga soomaray wado dheer iyo hawl badan, dadaal joogto ah, iyo geeddi-socod qaran oo ay horseed u ahayd Wasaaradda Isgaarsiinta iyo teknolojiyadda, iyadoo ay garab-taagnaayeen daneeyayaal dhowr ah oo ay ku jiraan heyโ€™adaha dowladda, khubaro farsamo, iyo bahda boostada gudaha iyo dibadda.
Fursaddan waxay si gaar ah uga faaโ€™iideyn doonaan ganacsatada Soomaaliyeed oo heli doona adeegyo boosto oo casri ah, degdeg ah, ammaan ah, kuna xiran shabakadaha boostada caalamiga ah. Sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed waxay si fudud u diri doonaan una heli doonaan waraaqo, alaabo iyo fariimo muhiim ah meel kasta oo ay dunida kaga sugan yihiin.
Wasiirku waxa uu si gaar ah ugu mahadcelinayaa dhammaan cidii qayb ka qaadatay hirgelinta qorshahan, isaga oo mar labaad shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaya guushan qaranka u soo hoyatay.
Hambalyo Ummadda Soomaaliyeed!
Guul iyo Gobanimo!
Horumar iyo Halgan midna waa lama huraan!
DHAMMAAD
————-
Wixii faafaahin ah laxiriir
Ali Omar Abdalla
Xafiiska Warbaahinta & Xiriirka Dadweynaha
Email: media@moct.gov.so
Twitter: @MoctSomalia
May be an image of text

Share

Facebook
Twitter
LinkedIn
Scroll to Top