Kusoo Dhawaaw Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknoolojiyada

Soomaaliya oo ka codeysay Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka.

26 Aug

Soomaaliya oo ka codeysay Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka.

agaasimha BoostadaWafdiga Soomaaliya uga qeybgalay Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka (UPU) ayaa ka qeyb galay doorashada hoggaanka ugu sarreeya ururkaas oo shalay ka dhacday caasimadda dalka Ivory Coast ee Abidjan.

Agaasimaha Boostada Qaranka Soomaaliya, Md C/fataax Maxamed, ayaa ka qeybgalay codeynta oo ah markii ugu horreysay tan iyo markii dib loo soo celiyay xubinnimada UPU sanadkii 2019-kii.

Doorashadii shalay dhacday waxaa ay u dhacday sidaan: Masahiko Metoki oo u dhashay Japan ayaa ku guuleeystay (Agaasimaha Guud ee hay’adda) halka Marjan Osvald oo u dhashay waddanka Slovenia uu asna ku guuleeystay (Agaasime Ku-xigeen).